Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guulaha diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah ee la gaaray.
Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, mudane Axmed Cali Daahir wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Soomaaliyeed guusha taarikhiga ah ee ku biiritaanka bulshada bariga Afrika ee( East African Community ) oo ah dadaal mira dhalay oo muddo socday.
Sidoo kale guusha taariikhiga ah ee qaadista cuno, qabateynta hubka ee Soomaaliya saarnaa muddo ka badan 30 sano, guushaan taariikhiga ah ayaa Soomaaliya uga dhigan tallaabo loo qaaday hanaanka ladagaalanka argagixisada, xoojinta iyo dhismaha quwad ciidan oo buuxda.
Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada.
Guushaan ayuu wuxuu Safiirka Axmed Cali Daahir uga mahadcelinayaa
Madax weynaha Jamhuurriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud.
Ra’iisalwasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac iyo ugu dambeyn
Safiirada iyo Safaaradaha Soomaaliyeed ee juhdiga adag ku bixiyay inta hawshu socotay.