wasiirka ku xigeenka wasaaradda caafimaad iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda fedaraalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Maxamed Xassan Bullaale oo uu wehlinayo Danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga dalka Hindiya mudane Axmed Cali Daahir ayaa Maantay kaga qayb galay magaalada Gandhinagar ee gobolka Gujarat kulanka G20 ee halku dhigiisu yahay “One Earth One Health.
wasiirka ayaa madaxda dalalka Afrika iyo kuwa kale ee caalamka u jeediyay khudbad uu kula wadaagay xaaladda, caafimaadka dalka soomaaliya iyo qaybabaha la iska kaashan karo si bulshooyinka wadamada guud ahaan u helaan caafimaad haqab-tiran iyaga oo aan waajihin culayo dhaqaale.
Wasiir ku Xigeenka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qayb galay daahfurka shir waynaha, WHO Global Summit on Traditional Medicine iyo dhacdooyin kale oo garab socoday kulanka
shirwaynaha ayaa waxaa ka qayb-galaya madax iyo wufuud ka kala socota ilaa 70 waddan oo caalamka ah iyo hayado caalami ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda caafimaadka adduunka Dr. Tedros ayaa kamid ah madaxda goob joogga ka ah shirwaynaha, isaga oo ka jeediyay khudbad taabanaysay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga waddamada si sare loogu qaado badqabka bulshooyinka caalamka
Wafdi uu Hoggaaminayo
wasiirka ku xigeenka wasaaradda caafimaad iyo daryeelka bulshada H.E Xildhibaan Maxamed Xassan Bullaale ayaa dalka Hindiya ku joogi doona booqasho rasmi ah oo 3 maalin qaadan doonta.