Shirweynaha sannadlaha ee Ganacsiga Hindiya Iyo Africa ee (Indian African conclave 19th CII) oo ka Sacdo magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, islamarkaana ay martigaliso dowladda Hindiya oo ay sannadkan ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo ka socday dowladaha Africa.
Dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shirka uga qeyb galay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha’ Mudane Abdisalam sharif Hussein, oo uu wehlinayo Siihayaha Safaaradda ahna Safiirku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Abdifatah Abdullahi Nur.
Shirka ayaa inta uu socday waxaa laga jeediyay qudbado kala duwan dhammaan Madaxweyne ku xigeenada qaar ka mida dalalka Africa ayaa si isku mid ah uga hadlay kobaca Ganacsiga Dhaqaalaha Qaarada Africa.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Hindiya Mudane Jagdeep Dhankar oo Shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday xiriirka Hindiya iyo Africa maalgashiyada labada dhinac iyo sida ay wali diyaarka ugu yihiin in ganacsiga iyo suuqyada Africa wax soo saarkooda kor looqaado.
Hindiya iyo Africa ayaa inta badan waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada Dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.