Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna Safiir ku xigeenka Safaaradda, Mudane Abdifatah Abdullahi Nur ayaa magaalada New Delhi kaga qeybgalay shirka 29aad CII Partnership Summit 2024.
Shirka oo ay martigalisay Dowladda Hindiya waxaana ka soo qeybgalay in ka badan 157 dal oo ka Kala yimid dalalka Africa, Asia iyo Europe waxaana looga hadlayay doorka dowladaha ay ka qaadan karaan horumarinta hanaanka warshadaha.
Sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay qaar ka mida martida dalalkii kasoo qeybgalay oo inta badan ka hadlayay wax soorka iyo dhoofka caalamiga ah iyo xiriirka Ganacsiga Kala dhexeeya Hindiya iyo dhaqaalaha guud iyo qaabka looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee is dhaafsiga Dowladdaha caalamka.