New Delhi 09 January 2025, munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa waxaa xilka si rasmi ah loogu wareejiyay Danjiraha cusub ee Safaaradda, Mudane Dr. Abdullahi Mohammed Odowa.
Siihayahii Safaaradda Mudane Abdifatah Abdullahi Nur, oo xilka ku wareejiyay Safiirka cusub ayaa marka hore warbixin ka siiyay diblumaasiyiinta shaqaalaha gudaha iyo howlaha kala duwan ay qabtaan iyo muddadi uu Siihayaha ahaa waxyaabihii u qabsoomay iyo hawlaha hadda horyaala Safiirka cusub.
Safiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay diblumaasiyiinta in ay si dhaw ula shaqeeyaan Safiirka Safaaradda sida ay horey ugu wada shaqeeyeen muddada uu siihayaha ahaa.
Danjiraha JF Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Siihayihii Safaaradda muddada shaqada soo waday ee maanta ku soo gunaanuday munaasabadaan Quruxda badan iyo sidoo kale diblomaasiyiinta kale Safaaradda.
Ugu dambeyn Safiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan diblomaasiyiinta in ay halkooda shaqada kasii wadaan maadaama halkan loowada joogo in loogu adeego qaranka Sooomaaliyeed islmarkaana ay si wada jir ah hawl galka Safaaradda iyo xiriirka labada dal uga shaqeyn doonaan.