Shirweynaha Guud ee 7aad sannadkan waxaa Dowladda Federaalla Soomaaliya uga qeybgalay wafdi uu hogaaminayo Wasiir Dowladaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Faarax oo uu Wehlinayo Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mudane Cabdifatah Cabdullahi Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Eng Cabdfatah Abshir Ibraahim.
Shirka oo uu daahfuray Wasiirka Wasaaradda Tamarta iscubooneysiisa ee Dalka Hindiya ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo bandhigay Ajendaha guud ee sannadka.
Dowladda Soomaaliya ayaa looga mahadceliyay dadaalkii iyo matalaadii ay muddo labo sanno ah ku hogaamisay kursiga Madaxweyne ku xigeenka Qaaradda Afrika iyo doorkeedi ay ka qaadatay horumarinta barnaamijka Tamarta laga dhaliyo cadceedda, Inta uu socday Shirka waxaa bilad lagu gudoonsiiyey Wasiir Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadja Biyaha madaama Dowladda Soomaaliya ku guuleeysatay, dhisidda xarunta tababarka STARC-SOMALIA.
Wasiir Dowlaha ayaa inta uu shirka socday jeediyay Khudbad muhiim ah waxa uuna warbixin ka siiyay Hanaanka Tamarta ee Soomaaliya ay hadda Haysato iyo sida ay uga Fa’iideysato, Wasiir Dowlaha ayaa ka warbixiyay Caqabadaha haysta , waxa uu ugu dambeyn ka waramay Qorshaha isbadalka Qaran ee dib udhiska kaabayaasha korontada iyo soolareynta magaalooyinka iyo Tuulooyinka.
Ugu dambeyntii wasiir Dowlaha ayaa uga mahadceliyey Isbahaysiga Wadama ku bohoobay (International Solar Alliance) doorkii ay siiyeen Soomaaliya si ay usoo bandhigto awoodeeda hogaamineed iyo sidoo kale xiriirka dhaw iyo wada shaqeynta joogtada ah.