Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u soo magacawday dalka Hindiya, Mudane Danjire, Dr. Abdullahi Mohammed Odowa ayaa soo gaaray Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.
Danjiraha cusub ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Abdifatah Abdullahi Nur, Safiiradda dalalka caalamka u jooga dalkan Hindiya, diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ka hawlgala iyo sidoo kale qeybo kamida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Hindiya.
Intaasi kadib Safiirka cusub mudane Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, ayaa isbarasho iyo soo dhaweynta ka qaatay madaxdiii iyo shacabkii soo dhaweeyay, dhammaantoodna uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.
Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer, imaatinka Danjiraha cusub ayaa lafilayaa in uu waxbadan ku soo kordhin doono Arrimaha Siyaasada, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Ganacsiga iyo xoojina xiriirka labada dhinac.