Shirweynihii 6-aad ee Badweynta Hindiya ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangladesh

Shirweynihii 6-aad ee Badweynta Hindiya ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangladesh, shirka ayaa inta uu soocday waxaa  khudbado aad u wanaagsan  ka jeediyeen dhammaan dalalkii iyo kooxihii ka soo qeybgalay shirka oo ay ka mid-tahay dowladda Soomaaliya uuna shirkaaas ku matalayey Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir.…

Shirweynaha lixaad ee caalamiga ah ee badweynta Hindiya ayaa ka furmay caasimadda Bangladesh ee Dhaka maanta oo ah 12ka May, 2023 Danjiraha J.F Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa shirkaas sannadkaan ku matalaya Soomalliya.

Danjire Axmed ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa isagoo dowladda Hindiya uga mahadceliyay ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka Badweynta Hindiya. Soomaaliya waxay xiriir taariikhi ah la leedahay dowladaha gobolka badweynta Hindiya, gaar ahaan qaarad-hoosaadka Hindiya oo inta badan ku saleysan ka ganacsiga marinnada badda waxaan aad iyo aad u jeclaan lahayn inaan sii…