Shirweynaha sannadlaha ah ee horumarinta, ganacsiga, warshadaha iyo iskaashiga Hindiya iyo Afrika (India Africa growth partnership) ayaa ka furmay magaalada caasimadda ah ee New Delhi dalka Hindiya, waxaana dowladda Soomaaliya ku matalayay danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir.
Shirweynaha 18aad ee Hindiya iyo Afrika oo soconayaa muddo sadax maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dhinacyada kale duwan ee horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo tignoolajiyada
shirka waxaa marti galisay dowladda Hindiya halka dowladaha Afrika ay ka socdeen wakiilo iyo diblomaasiyiinta ku matala Hindiya, shirka waxaana inta badan diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin, iskaashiga qeybta hawada ee Orbit-ka, sahminta hababka cusub ee kobaca maalgalinta, wax ka beddelka kaabayaasha horumarinta Afrika, wax soo saarka suuqyada guud ee Afrika, abuurista iskaashiga waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha iyo iskaashiga tignoolajiyada casriga ah.
Dowladaha Hindiya iyo Afrika ayaa inta badan yeesha kulamo kale duwan oo ay ku gorfeeyaan arrimaha gancsiga dhaqaalaha siyaasada amniga iyo guud ahaan xiriirka soo jireenka ah ee Hindiya iyo Afrika.