Danjire Axmed ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa isagoo dowladda Hindiya uga mahadceliyay ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka Badweynta Hindiya.
Soomaaliya waxay xiriir taariikhi ah la leedahay dowladaha gobolka badweynta Hindiya, gaar ahaan qaarad-hoosaadka Hindiya oo inta badan ku saleysan ka ganacsiga marinnada badda waxaan aad iyo aad u jeclaan lahayn inaan sii wadno xiriirkan, waxaanan sidoo kale rajaynaynaa anaga oo kaashanayna iskaashiga kale duwan ee dhinacyada ganacsiga iyo amniga – gaar ahaan amniga badda, waxbarashada, beeraha iyo adeegyada daryeelka caafimaadka
Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer guud ahaan dhulweynaha Afrika taasoo dhererkeedu dhan yahay sadax kun sadax boqol sodan iyo sadax (3333 km), Waxaan awood u yeelannay in badan oo aad u weyn xagga kheyraadka badda ah sida kalluumeysiga iyo gaaska oo ku jira baddena, badda Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanaya kalluumeysiga sharci darrada ah, waxaanu qabanay maraakiib shisheeye oo wata dhowr tan oo kalluun si sharci darro ah looga soo guray Aagga Dhaqaalaha ee gaarka ah, shaqaalahooda ayaan gacanta ku haynaa oo waxay sugayaan maxkamadeen, xushmad la’aanta noocan oo kale ah ee madax-banaanideena maaha mid dhiirigelinaysa ilaalinta nabadda iyo barwaaqada, tani waxay u baahan tahay in la joojiyo, waxaan codsaneynaa wada-shaqeyn arrintaas ku saabsan dhammaan dowlad goboleedyada badweynta Hindiya, dalkeena iyo caalamka intiisa kale waxaa ku habsaday burcad badeedda gobolka oo muddo dheer ayadoo kalluumeysiga sharci darrada ah uu qayb ka ahaa kor u kaca burcad-badeednimada.
Soomaaliya waa qayb muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka lagu maamulayo amniga badda ee gobolka Badweynta Hindiya, haddaba, waxa hubaal ah in aanu jecelnahay si joogto ah hawshan uga qayb-galno, ka qaybgalkeenu waa in uu ka badan yahay sida uu hadda yahay, si loo ilaaliyo nabadda gobolka.
Dhanka kale Soomaaliya ayaa ku jirta dib-u-dhis qaran, ka dib dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday iyo qalalaasooyin kale, waxaan ka shaqeyneynaa dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah, waxaan u furannahay inaan la shaqeyno khubarada dhinacyada adeegyada rayidka, habka garsoorka, amniga, waxbarashada, xallinta khilaafaadka, daryeelka caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah ee bulshada, waxaan raadin doonnaa maalgashi dhinacyada beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo xarumaha wax soo saarka.
Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay hawlaha hor-tabinta u leh dowladda Soomaaliya hannaanka dib u dhiska, dowladeena federaalku waxay si cad u dejisay mudnaanteeda.
Muhiimadda koowaad dabcan waa nabada, waxaan rabnaa nabad dadkeena iyo dalkeena iyo tan aduunka, Sidaa darteed, dowladda waxaa ka go’an in ay la dagaalanto oo ay cirib tirto kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab. Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka in ay nagu caawiyaan dagaalka nabadeed.
Mudnaanta labaad waa ka shaqaynta sidii deynta looga cafin lahaa, waxaan rajeyneynaa in dhamaadka sanadkan aan gaari doono wadarta deyn cafinta sidaas darteed waxaan furi doonaa gebi ahaanba cutubyo cusub oo maalgashi iyo iskaashi, waxaan ku martiqaadeynaa iskaashato ka kala socota dacallada adduunka si ay maalgashi ugu sameeyaan Soomaaliya, si duwan sida wadamada deriska nala ah ee gobolka Badweynta Hindiya.
Waxaan ku guda jirnaa dib u habeynta dastuurka. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan qorno dastuur dhameystiran. Waxaan rabnaa in aan si gaar ah ula xiriirno khabiiro iyo sharci-yaqaanno la-tashi iyo talo isku mid ah kuwaas oo sidoo kale naga caawin kara sameynta nidaam garsoor oo adag oo la isku halleyn karo, waxaan raadin doonnaa maalgashi dhinacyada beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo xarumaha wax soo saarka.
Soomaaliya waxay xaqiijisay keydka shidaalka iyo gaaska tiro badan, waxaan rabnaa inaan ku baaqno iskaashiga sahminta saliidda iyo gaaska ku saleysan heerarka caalamiga ah ee jira.
Shirweynaha badweynta Hindiya waxaa si rasmi ah uga soo qeybgalaya in ka badan 60 dal waxaana shirka xaadiray ergo gaareysa 150 kuwaas oo siyaabo kale duwan shirka uga qeyb galaya.